Untitled Document
Untitled Document
Enter keywords
Announcement
Activities
Fixtures
Members
Join us
Player Profiles
Events
Gallery
Contact us
Enter your email

Part time Job

We need someone with experience of managing websites. You must have good knowledge of currenweb design. To apply please click here

BT Community Connections Local Network Fund Barclays free kicks

award4all

 

Ilamos profile
Ilamos Youth Action (IYA) is a voluntary organisation based in north London and provides sporting activities to all young people, regardless of their faith, race or culture. Our aim is to promote social interaction among young people, develop their social awareness and life skills as well as improving their health conditions.

BANIDHIGA ILAMOS

Mon, 01. Feb 10 - 15:03 Viewed ( 273 ) times


Intiinii horey ula socotey Ban-dhiga Ilamos, waxaa inoo socdey wareysi dheer, oo aan la yeelanay Macalin Xasan  Faarax oo bul-shada ciyaaruhu u yaqaaniin Xasan John, iyadoo tanina ka mid tahay wareysigaas oo soo koobayay taariikh-da dheer ee uu macalinku ku leeyahay ciyaaraha.

Macalin Xasan John wuxuu tibaaxey markii uu ka laalaabtey waxbarashadii jaamacadeed, inuu dib ugu soo laabtey saaxada kubadda koleyga, isagoo muddo kooban leyliyey kooxdiisii hore ee Madbacadda, Xasan John oo sii wada ka sheekeyn-ta doorkiisii dheeraa ee ciyaaraha wuxuu yiri:-

M. Xasan John:- Intaas kadib waxaan u wareegay kooxdii ay laheyd War-shada Sigaarka ee loo yaqaaney War-Sigaar, gaar ahaan gab-dhaha, oo aan ku soo darey qaar yar-yar, kuwaasoo wax badan ka bedelay kooxda, oo horey u aheyd mid lagu dhibco badsado, waxayna sameeyeen horumar aan oran karo wuxuu meesha ka saarey dhibcahoodii lagu tashanayey, garoon la’aan ayaana haysatay kooxda, taas oo aan u aanaynayo inay horumar buuxda gaari weydo.

Shamsuddiin:- Reer Mudugu waxay ku maah-maahaan DHURWAAGII CEEL KU DHACEY CIDIDIISU MEEL WALBA GAARTEY, waxaan is leeyahay Macalin John koox kasta wuu soo marey, ma jiraan qaar kale oo aad tababare u soo noqotey, anigoo huba inaad kooxdii Somali Fruit tababare u soo noqotey, maadaama aad kooxdaas macalin u aheyd xilli aan kubadda koleyga daawan jirey, kadib markii aan ka quustey kubadda cagta?.

M. Xasan John:- Waa runtaa kooxda Somali Fruit tababare ayaan u soo noqdey, markaas-na waxay gaareen heer ay ka baqaan kooxihii waaweynaa ee LLPP, Horseed iyo Muqdisho, markii 1985-tii aan ka tegay kooxda Somali Fruit ciyaartoydii aan tababaraha u ahaa waxay ku guuleys-teen koobkii Jenaraal Daa’uuud, kadib-na waxaan u tegay kooxda Muqdisho oo aan la joogey hal xilli ciyaareed, waxaan uga sii gudbey kooxda Wakaalada Ganacsiga Ummadda, oo aan wiilal iyo gabdhoba isku wadey.

Shamsuddiin:- Sida qof kastaaba ka dareemi karo wareysigaaga, inta badan kooxihii dalka ka dhisnaa ayaad tababare u soo noqotey, taas maxaa keenay? Dadaalkaaga oo sarreeya miyaa u sabab ah, mise arrimo kale ayaa jira?.

M. Xasan John:- Arrimaha ugu weyn ee aan mar kasta koox uga tegayay waxaa ka mid ah maamulka sportiga dalka ee markaas uu u dhaqmayey qaab keli-talisnimo ah, iyadoo ay dhaceysay in mararka qaar la faro-gelinayo shaqadaada, sidoo kale marar ayaad wadeysaa koox aan garoon laheyn, iyadoo ay qasab kugu tahay inaad kooxda u kaxeysoDegmooyinka, sidoo kale haddii uu ciyaartoygu shaqadiisa qaban waayo

ind-haha kama qabsaneyn, haddii ay marka dhacdo in maamulku tixgelin waayo go’aanka aan ka qaato ciyaartoyga shaqadiisa qabsan waaya, sandule iguma aheyn inaan kooxdaas la sii joogo.

Macalin John waa qof ceyn-kee ah.

Macalin Xasan John wuxuu aaminsan yahay inuu yahay ruux shaqadiisa yaqaan, isla markaas-na dadka kale ku ixtiraama shaqadooda, xirfadiisa uma arko shaqo tababaranimo oo keliya, ee wuxuu u arkaa mas’uuliyad u dhiganta tan waalidka oo kale, mararka qaar-na saaxiib ama la taliye.

Ilo-xirka Ban-dhiga Ilamos, iyo Ereyga ugu dambeeya ee Macalin John.

M.Xasan John:- Xaaladaha hareeyay sportiga dalka waxaan u arkaa ayaan-daro, aad iyo aad u xunuun badan, ciyaarahii lagu soo wadey jaceyl iyo spirit , ee waqti badan lagu lumiyey, intaas-na horey u socdey, ayaa hadda u muuqda mid dib u socda, iyadoo in la ogaado loo baahan yahay maamulka jira waxa uu maanta qaban karo, haddii aanu qaban, beri ma qaban karo, maxaa yeelay beri waa maalin kale, oo sha’nigeeda wadata.

Shamsuddiin:- Haddii xaal sidaas yahay, sidee baad is leedahay horumar ayaa lagu gaarayaa?.

M.Xasan John:- Haddii Soomaalidu hesho dowlad dhexe oo maamulkeedu meel kasta hanan karo, wax baa hagaagaya, maxaa yeelay sportigu wuxuu u baahan yahay maamul, kaasoo go’aan ka qaadanaya dib u soo nooleyn-ta ciyaaraha.

Shamsuddiin:- Adiga oo mahadsan Macalin John, kuna amaanan waqtigaaga aad  noo hibeysay, muxuu yahay eraygaaga ugu dambeeya?.

M.Xasan John:- Inkasta oo aan af gaabanahay, mararka qaar aan ka xishoodo arrimaha qaarkood, haddana weligey waxaan u taagnaa sidii loo bad-baadin lahaa sportiga dalka, maxaa yeelay haddii isagu noo hagaago wax badan ayuu na tari karaa, weliba xagga nabadeyn-ta, waxaan leeyahay ciyaaruhu maaha meel maal iyo manfac laga raadiyee, ha loogu daneeyo dhalinyarada ku baaba’eysa dagaalada micno la’aanta u holcaya.

Waxaan kaloo leeyahay hala soo celiyo is xush-meyn-tii dhex tiil bul-shada sportiga, oo ha laga daayo fikrada ah “KALA QEYBI AAD WAX KA HESHIDE” waxa hadda socdaana waxay u muuqdaan arrimo ka dhalanaya fikradaas, iyo aqoon la’aan jirta, waayo?, how-shii aadan ehel u aheyn ma hanan kartid, xitaa waxaa mararka qaarkood aad dareemeysaa inuu jiro damac siyaasadeed, oo ciyaarihii laha dhiganayo buundo lagu gaaro meqaam siyaasadeed.

Dhammaad.

Shamsuddiin64@yahoo.co.uk


Click here for large view, please allow your popup

Untitled Document
Kubadda.com
Ceelbuurnet.com
Cayaaraha.com
Somsports.com
Thefa.com
Premierleague.com
uefa.com
FIBA Africa
Italian Football
Spanish Football
German Football
BBC Sport
NBA
Eurobasket
<<     September 2010     >>
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri
Sat
   
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
  
 0 events 

Ilamos.com © 2007 Privacy Policy Terms Of Use