Guddoomiye ku xigeenkii hore Axmed Nuur Xasan Cabdulle ayaan ugu horeyntii waxa aan waydiiyey sababta keentay xiligan in uu iska casilo jagadaasi maadaama ay doorashada xiriirka ka harsan tahay muddo ka yar lix bilood waxa uuna uga jawaabay.
"Runtii soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa meel ka muuqo ama ka maqnow taasoo aan ula jeedo mudadii aan ka tirsanaa ama xilka ka hayey xiriirka waxaan aad ugu dadaalay isla markaana ku dhiirigeliyey maamulka sare ee xiriirka gaar ahaan guddoomiyaha in uu wax ka badalo qaabka uu u maamulo xiriirkan oo ah kalitalisnimo taasoo aan waxba laga soo qaadin aniguna aan garawsaday in haddii aanan wax u tari karin xirirka iyo horumarka kubadda cagta dalka aan isaga tago magacaygana ka dhawrto".
Kalitalisnimada ma waxaad ula jeedaa in guddoomiyuhu uusan wax talo ah ka siinin qaabka loo maamulo xiriirkan madaxda kale iyo guddiga fulinta ee ururka maxayse uga hadli la'yihiin guddigu ayaan waydiiyey Axmed Nuur waxa uuna yiri.
"Waa sax oo waxaan ula jeedaa cid aan xoghayaha ahayn oo uu guddoomiyuhu ka tashto waxqabadka iyo dhaqdhaqaaqa xiriirka ma jirto taasina waxay abuurtay jawi isaamin la'aan ka dhexjirta guddiga fulinta, maamulada naadiyada iyo xiriirka maamulkiisa sare. Midda ah sababta ay uga hadli la'yihiin guddiga fulinta inkastoo ay ku haboonaan lahayd in ayaga la waydiiyo hadana waxaan isleeyahay laba arimood ayaa ugu waawayn sababtaas kuwaasoo ah marka ugu horeysa amaankooda oo aan cid sugaysa jirin iyo ayagoo is leh jagada aad haysato ha iska dayn waa intaasoo dawladdu xoogaysataaye. Dhinaca kooxaha ayagu maba garawsana in ay yihiin cududdii maamulka u dhiibatay xiriirka inkastoo aysan sidoo kale muujin karin la xisaabtan dhab ah sababahaas oo kale".
Adigu shakhsi ahaan guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ma kala hadashay mase u jeedisay eedaymahan ka hor inta aadan go'aansan go'aankan ayaan ku celiyey Axmed nuur waxa uuna yiri. " Haa waxaan kala hadlay in badan oo waliba ay dad kale goobjoogayaal ka ahaayeen mar kastana guddoomiyuhu wuxuu ku oranayaa waxbaan ka badalaynaa taasoo aan meel laga soo qaadayn".
Waxaan hadana Axmed Nuur waydiiyey maadaama uu asagu ka mid yahay qurbajooga soomaaliyeed in maamulka xiriirku u arkay qatar ayaga halis ku ah ayuu waxa uu sheegay in uusan taasi u malaynaynin balse guddoomiyuhu uusanba xasuusnayn isla markaana garawsanayn in uu talada xiriirka ay wax ku leeyihiin guddiga fulinta iyo waliba dadkii asaga doortay ee naadiyada dalka ka jira oo aad la socotaan in uusan xiriir wanaagsan la lahayn".
Axmed-Nuur Xasan Cabdulle oo sidoo kale ka jawaabayey su'aal ahayd bal inuu tusaale naga siiyo talaabooyinka uu xiriirku ku dhaqaaqay oo aan asaga iyo guddiga fulinta lagala tashan ayaa soo qaatay tartankii kubadda cagta ee xulka qaranku u aadeen dalka Kenya, tababarkii macalimiinta gabdhaha kubadda cagta iyo waliba fashilkii ku yimid cayaarihii gobolada oo ay xiriirku shaaciyeen in ay Garowe ku qaban doonaan, waxaasoo idil waxa ay tusaale u yihiin kalitalisnimada guddoomiyaha.
Xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed waxaa lagu tilmaami karaa kan ugu shaqada badan xiriirada dalka marka marka waxaasoo hawl ah ma hal nin ayaa qabta ayaad leedahay mise taageero qaar ka mid ah guddiga fulinta ayuu haystaa ayaan waydiiyey Axmed-Nuur waxa uuna uga jawaabay. "Run ahaantii kaligiis ayaa wax qabta anigu ma lihi laakiin marka laga hadlayo qaabka maamul ee urur baaxaddiisu le'eg tahay kan xiriirka soomaaliyeed waxa uu u baahan yahay maamul fahamsan faaiidada ay leedahay in la tashiyo lala sameeyo qaybaha kala duwan ee ururkaasi isla markaana ay jirto xiriir joogta ah oo ku salaysan qaab maamul taasoo irdaha ka xiri karta wax kasta oo shaki ah ama abuuri karta in aan lala xisaabtami karin xiriirkaasi, sida aan hadda la soconana ma jirto cid la xisaabtami karta xiriirka oo dalka ku sugan sababtoo ah maba oga dhaqdhaqaaqa xiriirka haddii ay ogaadaana waxay ogaadaan marka diyaaradda la raacayo ama qaranka la xareeyo, qofka kaliya ee ka hor intaasi la og guddoomiyahana waa xoghayaha xiriirka".
Maxaad ugu dambayntii u soo jeedinaysaa xiriirkii aad ka tirsanayd iyo waliba naadiyada ka dhisan magaalada Mogadishu ee ayagu xubnaha ka ah xiriirkan ayaan ugu dambayntii waydiiyey Axmed-Nuur waxa uuna marka ugu horeysan uga mahadceliyey dhamaan naadiyadii, shaqsiyaadkii iyo waliba xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed fursaddii ay u siiyeen in uu ka mid noqdo xiriirka kubadda cagta wuxuuna ka raaligelinayaa cid kasta oo u aragta in uu go'aankan ku degdegay asagoo sheegay in uu aad uga fekeray uga baaraandegay. Ugu dambayntiina Axmed-Nuur Xasan Cabdulle waxa uu kula dardaarmay guddiga fulinta ee xiriirka in ay ka soo baxaan xilalkii loo doortay oo ahaa in ay sare u qaadaan kubadda cagta dalka ayna muujiyaan isku xirnaan iyo la xisaabtan dhab ah oo ku aadan sidii wax muuqda looga bedeli lahaa qaabka maamul ee xiriirka oo ku dhisan ama anaga na soo raac ama waxba heli maysid".
Xilkatagiddan guddoomiye ku xigeenkii hore ee xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed ayaa ku soo aadaysa xili sidoo kale waanwaan laga dhexwado naadiyada dalka iyo xiriirka ayadoo waanwaantaasina ay wasaaradda dhalinyarada iyo sport gu u saartay guddi ka shaqeeya inkastoo aan la saadaalin karin sida ay ugu guulaysan karaan.
xigasho cayaaraha.