Untitled Document
Untitled Document
Enter keywords
Announcement
Activities
Fixtures
Members
Join us
Player Profiles
Events
Gallery
Contact us
Enter your email

Part time Job

We need someone with experience of managing websites. You must have good knowledge of currenweb design. To apply please click here

BT Community Connections Local Network Fund Barclays free kicks

award4all

 

Ilamos profile
Ilamos Youth Action (IYA) is a voluntary organisation based in north London and provides sporting activities to all young people, regardless of their faith, race or culture. Our aim is to promote social interaction among young people, develop their social awareness and life skills as well as improving their health conditions.

BAN-DHIGA ILAMOS.

Wed, 16. Dec 09 - 14:08 Viewed ( 319 ) times


Tani waa qeyb-tii 2-aad wareysi dheer, oo koobaya taariikh-da sport ee Macalin Xasan John, oo ay wada yaqaaniin bah weyn-ta ciyaaruhu.
 
Macalin Xasan John:- Dhaq-dhaqaaqii sport ee aan ka bilaabay Lafoole waxuu igu dhaliyey inaan ku milmo ciyaaraha, waxaana ii xigtey inaan ka qeyb qaatey ciyaarihii Degmooyinka, iyo kuwii dugsiyada, waxaan u maleynayaa inay ku beegneyd 1971-dii, markaas kadib-na waxaan ka mid noqdey intii ka qeyb qaadatey ciyaarihii labaad ee Gobolada, sanadkii 1972-dii.
Maadaama aan ahaa ruux ay ku weyn tahay maxabada ciyaaruhu, kuma koobneyn dhanka kubadda koleyga oo keliya, sidoo kalena waxaan ku wanaagsanaa dhanka orodada, oo waxaan ordi jirey kuwa dhexe sida 800m iyo 1500m.
 
Shamsuddiin:- Intaasi waa saan-qaadkaadii ciyaaraha ayaan filayaa, sidee kuugu suuro-gashey inaad cagaha la hesho salaanka ( Jaran-jarada ) kooxaha heerka 1-aad ee kubadda koleyga?.
 
Macalin Xasan John:- Kubadda koleyga oo sidii aan ka soo sheekeeyay nasiib aan u yeeshay meel aad looga jecel yahay, agabkeediina laga helayo inaan ardey ka noqdo, waxaan ugu horeyn ka mid noqdey koox la oran jirey War-shadda Caanaha, xilliyadii 1973-dii illaa 1975-tii, waxaa macalin noo ahaa C/ladhiif Af-dhuub, oo ugu cad-cad ragga  kubadda koleyga macalimiinta u soo noqdey.
 
Shamsuddiin:- Waa gartay...kooxdaas War-shadda Caanaha yaad ka xusuusan kartaa ragii aad garoonka wada geli jirteen?.
 
Macalin Xasan john:- Kooxdaas uma baahna inaan qof-qof u xuso, nasiib wanaag-na waxaan hayaa sawir xusuustiisu igu dheer tahay oo ciyaartoydii War-shadda Caanaha ay ku idil yihiin, waxaanse ka xusi karaa AUN Jimcaale Xaayow.
 
Shamsuddiin:- AUN Jimcaale Xaayow waxaan ku naqaanay kubadda cagta, tan koleygana miyuu ciyaari jirey?.
 
Macalin Xasan John:- Haa.....kooxdeenana aad ayay ugu dhaaran jirtey, sidoo kalena waxaan ka xusi karaa C/risaaq Xuseen Geedi, C/llaahi Xasan Gadle ( Af weyne ) oo aan ilaa xulka qaranka isla aadney, Calas Cali War-dhiigley, Katiimba. C/salaam Muuse Galaal, Fu'aad Sheekh Ibraahim, C/risaaq, Xasan C. Keynaan, iyo Dhagaxtuur.
Kooxdan oo aheyd mid tayadeedu wanaagsan tahay, ayaa waxaa timid nasiib daro ah inuu War-shadii Caanuhu awoodi weyday dhaqaalihii kooxda, balse nasiib wanaag kalama aynaan tegin, oo sidii ayaan u aheyn koox, waxaana markaas aan ku ciyaarnay magaca Wasaarada Warfaafinta, hal koob ayaan ka qeyb qaadanay, weliba iyadoon mushaar nala siineyn, intaa kadib-na waxaa nala wareegay Wakaalada Madbacad Qaranka, oo markaas sameysatey koox heerka 1-aad ah.
 
XASAN JOHN IYO MACALINIMADA KUBADDA KOLEYGA.
 
Macalin Xasan John:- Waxaa dhacdey in kooxdayadii Madbacada uu ka tagay macalinkii, oo ahaa C/maan Sheekh Mahdi, kaasoo aadey kooxda Badda, aniga ayay ii garteen kooxdii aan ka midka ahaa inaan macalin u noqdo, taasina waxay keentay anigoo ciyaari kara inaan ka fadhiisto ciyaaraha.
 
Shamsuddiin:- Koox aad isla wada ciyaareyseen inaad leyliye ama macalin u noqoto wax sahlan maaha, sidee how-shaas u gadatay?, mase jiraan caqabado kaa hor yimid?.
 
Macalin Xasan John:- Waa runtaa taasi, laakiin how-shaas wax caqabad ah kala aanan kulmin, kooxduna aad ayay qadarisey, maxaa yeelay waxaan aheyn ciyaartoy is jecel oo isku duuban oo is ixtiraama, mar kastana waxaan maanka ku hayay in ay muhiim tahay in qofka loo sheego runta iyo xaqiiqada jirta, annigana waxaan is-leeyahay waxaa i caawiyey tababaro iyo seminaaro aan ka qeyb galey, sidoo kalena kooxda Madbacadu waxay yeelatay gab-dho kubada koleyga ciyaara, aniga ayaana isku wadey leylinta labada kooxood, inkasta oo gab-dhihii la kala direy sanad kadib, anigana waxaan ka tegay 1978-dii oo aan ka aadey waxbarasho.
 
La soco qeyb-ta xigta.
 

Click here for large view, please allow your popup

Untitled Document
Kubadda.com
Ceelbuurnet.com
Cayaaraha.com
Somsports.com
Thefa.com
Premierleague.com
uefa.com
FIBA Africa
Italian Football
Spanish Football
German Football
BBC Sport
NBA
Eurobasket
<<     September 2010     >>
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri
Sat
   
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
  
 0 events 

Ilamos.com © 2007 Privacy Policy Terms Of Use