Untitled Document
Untitled Document
Enter keywords
Announcement
Activities
Fixtures
Members
Join us
Player Profiles
Events
Gallery
Contact us
Enter your email

Part time Job

We need someone with experience of managing websites. You must have good knowledge of currenweb design. To apply please click here

BT Community Connections Local Network Fund Barclays free kicks

award4all

 

Ilamos profile
Ilamos Youth Action (IYA) is a voluntary organisation based in north London and provides sporting activities to all young people, regardless of their faith, race or culture. Our aim is to promote social interaction among young people, develop their social awareness and life skills as well as improving their health conditions.

KAFTANKII KOOFI IYO KAXLE

Mon, 07. Dec 09 - 14:05 Viewed ( 190 ) times


Saaxiibadan kaftankoodu wuxuu noqdey mid ku baahay bah weyn-ta sporitga dhexdooda, kuwaasoo u kala baxay labo kooxood, qeyb bogaadisey oo u riyaaqdey baashaalkaas ka bilowdey BAR SPORT, maadaama ay u arkaan inuu kaftankani keeni karo jidkii lagu gaari lahaa hagaajinta ciyaaraha dalka.

Qeyb-tani haddii ay sidaa qabaan, dhanka kalena waxaa jira qolo si bil-caksi ah u aragta sheekada ka socota Waqooyiga London iyo BAR SPORT, waayo? ma aysan jecleysan kaftan isku tuurkan, wuxuuna iyaga ula muuqdaa mid aan habooneyn, isla markaana xambaarsan oo xabadka ku sita fadhi ku dirir la mid ah kan siyaasada ee ay qabyaaladu daadihineyso.

Si kastoy arrini tahay, waxaan shaki ku jirin sheekada u dhexeysa Kaxle iyo Koofi inay ku arooreyso wadiiqadii aan la rabney, taas-na waxaa laga garan karaa hadal heyn-ta iyo fal-celiska laga sameeyay, intaas kadib-na aan dareenkiina u hogaamiyo halkaas iyo BAR SPORT, oo ay bartamihiisa fadhiyaan Kaxle iyo Koofi, iyadoo dadka goobta joogaana afkooda dhowrayaan, sidii iney yihiin xeer-beegti lagu kalsoon yahay oo talo goyneysa.

Koofi:- Kolkii isugu kaaya dambeysay, waadigii Kaxlow shirbey, maantase inay kugu foororto aniga shaki iigama jiro, xaalkuna wuxuu la meel yahay halkii laga yiri GUUL RAG KAAGA DAMBEEYO GUUL MAAHA, maadaama aad saaxiibkey tahay fallaarta kugu soo maqan si feejigan isaga ilaali.

Kaxle:- Eebbow taasi adduunya-xaalkiis waayee, waxaad isla xariifeyso soo daa, dadkuna ha kula ogaadeene.

Koofi:- Guddoomiyaha GOS iyo ku xigeenkiisi inay is ilaaqeen, oo ay meel xun ka gaadhey baa soo yeedhay, ileyn labadii XAQ-DARO KU HESHIISA, XAQA AYAA ISKU DIREE, rag xaalkoodu sidaa yahay haddii laga tashado in laga doodaa miyey wax wanaagsan tahay saaxiib?.

Kaxle:- Gablan....ileyn adduunyo wax walba waa lagu arkaa, horta shimaad hadalkaan adag ee dha'du ka buuxdo baratey, muggii aan reer ISKU RARAN isla aheyn ogaadhoo saan u hadli maheyn, middaan kalena waxaan kaa leeyahay, horta nin wax u kala baxsan yihiin aan kuu qabaayay, muluqyadu waxay iska sheegaan minaad run u qaadee, nabee Koofiyow waa laguu dambeeyay.

Koofi:- Waxaan ku idhi saaxiib FALLAARI GIL-GILASHO KAAGAMA GO'DEE, adigoon runta in-dhaha ka qabsan, maxaa keenay ku xigeenkii GOS inuu iska xaadiriyo Puntland, markii hore waa ogeyn heerka ninkaa hadda u baqooley carro edeg iyo Nugaal uu taagnaa, tan kalena Guddoomiyihii waa kaas u dabey-shadey xaggaa iyo Wasaaraddii Sportiga, ee ka qeyb galay dib u unkida kooxihii hore.

" Afkaaga wax walba ood jeceshahay lagu qabey, Kaxle isaga oo wax kasta kasmo u leh ayuu ma kase iska dhigayaa " sidaas waxaa meel gees ah kaga soo tagaanoodey Istiila.

Markii uu Kaxle u holadey ( damcey ) inuu iska mooso daadka ku soo rgomadey, ayaa waxaa si xush-mad leh codkii kaga qaatey Shar ma sheege, wuxuuna yiri:-

" Waxaad la socotiin wixii ka dhacey Hotel Shamow oo ay milkiyadiisa leeyihiin qoys ciyaaraha magac ku leh, mashaqadii murugada laheyd ee meeshaas ka dhacdey intii ku baxdey aan u duceyno, inta dhaawaca ah ee uu ku jiro Wasiirka Sportiga-na aan Faataxada u marno in Ilaahey caafimaad soo deg-dega siiyo ".

In door ah ayay socotey Faataxadii iyo ducadii uu dalbay Shar ma sheege, kadib-na waxaa hadalkii la wareegay Kaxle oo waranku ka likeys-naa ( taagnaa ).

Kaxle:- Warku wuxuu qeymo ku leeyahay runta, been fakatayna run ma gaartaa la yiraahdaa, walax aan sal iyo raad toona laheyn aad ku xabeebsee berigoo dhan, GOS xubnaheeru waa isku raayaan waagga, Puntilaandi in la aado-se xaa ku jaban? nabee carro Soomaaliyeed maaha, GOS-na Soomaali ay matashaahee day.

Koofi:- Been maadan sheegin, oo puntland waa dhul Soomaaliyeed, laakiin markii ay isku tashadeed inuu Garoowe is geeyo Guddoomiye ku xigeenka GOS, si uu uga qeyb galo ciyaaraha halakaa ka bilowdey, iyadoo uu Guddoomiyihii Xamar iska fadhiyo maxay tahay ujeedadu, walee TIMIR LAF BAA KU JIRTA.

Kaxle:- Nin walbo niyadiisa Allaha u yeelo, saan kaa arkaayo waxaad jeclaan laheyd in GOS is qab-qabsato, ee saaxiibow warka tiradiisa ka her, meesha waxaad sheegeyso kama juraan, GOS-na ul iyo diirkeer waaye.

Koofi:- AA KULA TAHAY BOOWE, haddii aan kuugu jawaabo wallee ma danbaabin, maxaa yeelay LAF CAD AYAAD  TOOBIN KU HEYSAA, hadalkana waxaad ku deysaa inay kula ciirtey, oo musku kugu soo dumay, haddii aan AFAREY kugu tuuri lahaana waqtigaa naga dhammaaday ee waa imoo mar kale.

La soco qeybaha kale.

shamsuddiin64@yahoo.co.uk


Click here for large view, please allow your popup

Untitled Document
Kubadda.com
Ceelbuurnet.com
Cayaaraha.com
Somsports.com
Thefa.com
Premierleague.com
uefa.com
FIBA Africa
Italian Football
Spanish Football
German Football
BBC Sport
NBA
Eurobasket
<<     September 2010     >>
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri
Sat
   
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
  
 0 events 

Ilamos.com © 2007 Privacy Policy Terms Of Use