Untitled Document
Untitled Document
Enter keywords
Announcement
Activities
Fixtures
Members
Join us
Player Profiles
Events
Gallery
Contact us
Enter your email

Part time Job

We need someone with experience of managing websites. You must have good knowledge of currenweb design. To apply please click here

BT Community Connections Local Network Fund Barclays free kicks

award4all

 

Ilamos profile
Ilamos Youth Action (IYA) is a voluntary organisation based in north London and provides sporting activities to all young people, regardless of their faith, race or culture. Our aim is to promote social interaction among young people, develop their social awareness and life skills as well as improving their health conditions.

Maamulada isboortiga waa sidii NGO oo kale"

Thu, 03. Dec 09 - 17:54 Viewed ( 294 ) times


Isboortiga waa loo shaqeeyaa ee lagama shaqeysto, Maamullada Isboortiga Soomaaliya ee hadda jira waxaa loo adeegsadaa sida NGO oo kale"

Macallim Maxamuud Ibraahim Absuge (Adkeysi) waxa uu sheegay in Isboortiga dalka Soomaaliya uu adduunka uga jiro kaalin "0" ka hooseysa, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay shaqsiyaadka had iyo goor hoggaaminaya dhallinyaro loo huwiyay magaca xulka Qaranka, balse lagu keenay siyaabo kala duwan.

"Isboortiga waa loo shaqeeyaa ee lagama shaqeysto, maamullada Isboortiga Soomaaliya hadda ka jira waxay u adeegsadaan Isboortiga sida NGO oo kale" ayuu yiri Tababare Adkeysi oo dhinaca kale tilmaamay in maamulka Isboortiga Soomaaliya uu jeebka u galay shaqsiyaad aan wax aqoon ama waaya aragnimo Isbooti ah lahayn, kuwaasi oo ku haminaya had iyo goor inay dhaqaale ka helaan isla markaasina wax dan ah aan ka lahayn sharaf iyo sumcad.


"Ciyaaraha cudurka waa lagu daweeyaa, balse ciyaaraha Soomaaliya waxaad moodaa inay iyaga cudurka abuurayaan" ayuu yiri Macallim Maxamuud Ibraahim Absuge (Adkeysi) oo sheegay in marka aad u dhabba gasho qaab maamulka Isboorti ee Soomaalida xilligan uu abuurayo cudur aakhirka keenaya in gebi ahaanba Isboortiga Soomaaliya laga tirtiro adduunka intiisa kale.


Waxaa kale oo uu sheegay Tababare Adkeysi in cudurka ku sii tartamaya Isboortiga Soomaaliya ay qeyb ka yihiin Xiriirka K/cagta Adduunka FIFA, bacdamaa maanta aanay marqaati u baahneyn faragelinta ay ku hayaan Isboortiga dalka, taasi oo uu sheegay inay sabab u tahay kala dambeyn la'aanta iyo fowdada dalka ka jirta.

"Websit-ka FIFA ay leedahay waxaa hadda kahor lagu soo bandhigay Laba Guddoomiye Xiriir K/Cagta Soomaaliya, taasi oo keentay cudurka haya Isboortiga dalka iyo is qabqabsi jagada guddoomiyenimada Xiriirka K/Cagta Soomaaliya, waxaana ugu baaqayaa madaxda xiriirrada heer gobolka iyo FIFA inay had iyo goor barbar istaagaan mas'uul kasta oo loo doorto Xiriirka K/Cagta Soomaaliya, isla markaana ay u soo diraan guddi kormeer ku sameeya habka doorashada iyo waaya aragnimada Isboorti ee uu leeyahay" ayuu yiri mar kale Macallim Maxamuud Ibraahim Absuge (Adkeysi) oo ka mid ah tababarayaasha Kooxda K/Cagta ee Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho.

Dhinaca kale Tababare Adkeysi oo ka mid ah khabiirrada ku xeel dheer Isboortiga dalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii baaq gaar ah u jeediyay shaqsiyaadka xilligan ka muuqda maamulka Isboortiga dalka in qaabka ay haatan wax u wadaan oo dib u dhaca miiran ku keenay Isboortiga Soomaaliya wax ka bedelaan, isla markaana ay la yimaadaan isbedel u horseeda Isboortiga horumar iyo kor u qaadida tayadiisa.

 

TABABARE ADKEYSI IYO CABDULAHI LABOUF

Xigasho-Somaliweyn

 

 


 


Click here for large view, please allow your popup

Untitled Document
Kubadda.com
Ceelbuurnet.com
Cayaaraha.com
Somsports.com
Thefa.com
Premierleague.com
uefa.com
FIBA Africa
Italian Football
Spanish Football
German Football
BBC Sport
NBA
Eurobasket
<<     September 2010     >>
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri
Sat
   
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
  
 0 events 

Ilamos.com © 2007 Privacy Policy Terms Of Use